04/01/2024
Heshiishka u Dhaxeeeya Itoobiya iyo Somaliland;
Isla xisaabtan ayaa Muhim ah, ilaalinta Arimaha Umadduna waa waajib qaran
Bismilah,
Arinka Hada Yaala ee Jiraa waa Is Afgarad, in laysku Afgartay sida Hawshaa Loo Galayo, iyada oo la ilaalinaayo Shuruucda iyo Nidaamka labada wadan
Waxa ay itooobiye sheegtay in ay wadaagi doonaa Somaliland iyo itoobiya arimaha Dhaqalaha, Dekada, Amniga, iyo Arimaha Bulshadda.
Halka Somaliland ay Sheegtay in ay Itoobiya Ka kiraysay Dekad, iyo Base Military mudo 50 sano ah, intaa Badalkeeda ay Itoobiya ay itoobiya siisay Dheer 25% macaasha Shirkada Diyaaraha Itoobiya Airlines.
Maxaa la wada leeyahay maxaase la kala leeyahay?
Waxa la wada leeyahay sida aan u fahmay
1. Dhaqaalaha badda iyo Diyaaradaha
2. Aminga iyo Amaanka
3. Is dhex galka Bulshadda
Waxa la kala leeyahay
1. Dheefta Diyaaraddaha
2. Aqoonsiga Somaliland
3. Xaduuda labada wadan
Inta ma ay Tahay waxa Hada laysku afgartay waxa Somaliland u yaala waxa uu Yahay
1. Dekadda laga kireeyay waa Tee? Imisa sano ayaa La kireyay/ imisa aya lagag kireeyay/ yaa Masuulka ah Heshiishka
2. Aqoonsiga ay itoobiya ina siinaysaa waa maxay/ muxuu soo kordhinayaa
3. Macaamilaadka kale ee umadeed saamayn inte leg ayuu ku yeelanayaa
Maxaa Ku dhacay is afradkii jabuuti ka dhacay ee u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland, miyuu Buray, Kanise Muxuu kagag Duwan Yahay.