06/09/2025
Shiinaha Maraykankii Iyo Sucuudigi 50ka Milyan Bixin Jirayna waa nagu diray isna 150 kun ayuu abaarihii ku darsaday
Somalida Baraha Bulshada qaar ka mida oo Ka Fal celiyey 150k dawlada shiinaha ku caawisay somaliya ayaa sida yiri
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa Axaddii ku wareejisay $150,000 Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), si loogu gargaaro dadka ay saameeyeen abaarta iyo bulshada ku nool deegaannada dhowaan la xoreeyay
Lacagtan deeqda ah ayaa lagu wareejiyey xarunta SoDMA ee Muqdisho, waxaana guddoomay Komishanka SoDMA, Mudane Mohamud Maalim Cabdulle, halka uu ku wareejiyey Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Fei Shengchao.
Laakiin dad badan oo Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada ku muujiyey caro iyo niyad-jab, iyagoo ku tilmaamay deeqdaas “quudhsi iyo gacan adayg marka loo eego kaalmooyinkii ay h**e u bixiyeen dalalka kale.
mid kale ayaa yiri Waxaa la xusuustaa in Sacuudiga iyo Maraykanka ay marar badan Soomaaliya siiyeen gargaar u dhexeeya $50 ilaa $100 milyan xilliyada abaarta, halka Shiinuhu uu markan bixiyey kaliya $150,000.
Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa ku dooday in Shiinaha oo ah awood dhaqaale oo dunida kaalin weyn ku leh, ay ahayd inuu ka muuqdo deeq dhab ah oo la jaanqaadaysa xaaladda adag ee Soomaaliya. Halkii laga filayey taageero xooggan, deeqda yartaa ayaa loo arkay mid dhiirrigelinaysa kalsooni darro iyo dareen quudhsi.
Bulshada baraha bulshada ayaa si adag u dhaliilay arrintan, iyagoo ku sheegay in Shiinaha uu muujiyey “gacan adag” iyo in aanu si dhab ah ugu heelan taageerada shacabka Soomaaliyeed xilliyada masiibada. mid kale ayaana yiri dadka shiine aan aqoonow aan is barano isagoo qosol raaciyey